Weeraraddii daaraha mataanaha: 21-sano oo Islaam-naceyb ah

Image
Marka loo eego tirakoobka FBI-da, dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Muslimiinta Mareykanka ayaa cirka isku shareeray.

WASHINGTON, United States - Muslimiinta Mareykanka, wixii ka dambeeya weeraradii Sebtembar 11-da, Islaam naceybka ayaa sii kordhay iyadoo xuska sannad-guurada 21-aad ee dhacdadaas si weyn loo xusay Axadda maanta ah.

Marka loo eego tirakoobka FBI-da, dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Muslimiinta Mareykanka ayaa cirka isku shareeray isla markiiba wixii ka dambeeyay weeraraddii Sebtembar 11, 2001, walina waa ay kor u kacayaan.

Islamophobia - oo lagu qeexay nacaybka, ama nacaybka ka dhanka ah Islaamka ama Muslimiinta - ayaa weli ah dhibaato ku baahsan guud ahaan magalooyinka waaweyn iyo goboladda Maraykanka.

Sidda ay aaminsan yihiin Muslimiin badan oo ku nool gudaha Mareykanka iyo caalamka, 21-ka sano ee lasoo wareegatay weeraradaan waxaa dunida kusoo batay naceybka sidda gaarka ah loogu qabo Islaamka iyo Muslimiinta.

"Muslimiinta oo ah bartilmaameedka nacaybka, cagajuglaynta, iyo takoorka waxay ka dhalatay fikradaha qaldan ee Islaam nacaybka iyo warbaahinta ay sameeyeen sannadihii ka dambeeyay weeraradii 9/11," ayuu yidhi Hussam Ayloush, madaxa fulinta ee xafiiska Los Angeles ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka.

Ka dib weeraraddii Sebtembar 11, Ayloush ayaa rumeysan in ay timaadey "Duufaan qumman oo dadka Maraykanka ah iyo dawladooda ay kaliya arkaan hal cadow".

"Xaqiiqda nasiib-darrada ah ayaa ah inay jiraan dad iyo ururro ka faa'iidaysta Islaam nacaybka, iyo dagaalka," ayuu raaciyey wallow uusan magacaabin ururadaas uu eedeynta dusha u saarey.

Zahra Jamal, oo ah agaasime ku xigeenka Jaamacadda Rice ee Machadka Boniuk ee dulqaadka diimaha ee Houston, ayaa sheegtay in boqolkiiba 62 Muslimiinta ay sheegeen in ay dareemayaan cadaawad ku salaysan diin halka boqolkiiba 65 ay dareemeen ixtiraam darro dadka kale.

Ayloush ayaa waxa uu sheegay in tirakoobku aanu ahayn mid la yaab leh marka la eego jawiga siyaasadeed ee hadda ka jira Maraykanka ee uu ku kacay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump intii uu xilka hayay.

Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa balanqaadey in uu si weyn uga shaqeyn doono sidii loo ciribtiri lahaa Islaam-naceybka hase ahaatee waxaa muuqanaysa in illaa haatan uusan qaadin wax talaabo ah oo ku aadan dhaqan-gelinta wacadkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM