Wiil uu dhalay ra'iisul wasaare oo loo xiray 'ceeji uu qof ku qabtay'

Image
Dacwadan ayaa kamid ah 17 fal-dambiyeed oo la sheegay in uu geystay intii u dhaxeysay Febaraayo iyo Maajo.

SYDNEY, Australia - Wiil uu dhalay Ra'iisul Wasaaraha waddanka Fijian, Frank Bainimarama, ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira rabshado qoys oo ka dhacay dalka Australia.

Ratu Meli Bainimarama, oo da'diisa lagu sheegay 36 jir, ayaa wuxuu wajahayaa 17 dacwadood kuwaasoo ay ku jiraan dabagal, xadgudub dhanka jirka ah iyo ceeji ku qabasho.

Sidda ay wararku sheegayaan, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu waxyeeleeyay hanti iyo inuu qeybiyay muuqaal qarsoodi ah iyadoon ogolaansho laga helin.

Mr Bainimarama ayaan wali sameyn wax qirasho ah hase ahaatee wuxuu "ku kalsoon yahay iskuna halaynayaa dabeecadiisa wanaagsan," ayuu yiri qareenkiisa gaarka ah.

Dembiyada ayaa la sheegay in ay ka dhaceen Sydney intii u dhaxeysay Febaraayo iyo Maajo, balse Mr Bainimarama ayaa la xiray todobaadkii hore ka dib markii warbixin booliisku ay soo saareen horaantii bishan.

Qareenka muwaadinkan reer Fijian ah ayaa wuxuu si guul leh u dalbaday amar ku saabsan in kiiskan uu noqdo mid laga xakameeyo guud ahaan waddanka.

Garyaqaanka ayaa waxa uu ku dooday in ay jirto xog khatar ah oo aan loo ogolaan doonin maxkamadda in la daabici doono iyo in la naceysiiyo xeerbeegtida.

Laakiin garsooraha maxkamadda ayaa qaaday amarka xakamaynta aroornimadda Jimcaha maanta ah, isaga oo sheegay in aysan jirin wax aan caadi ahayn oo ku saabsan kiiska oo dalbanaya in la qariyo.

Mr Bainimarama ayaa la siiyay dammaanad uu banaanka kusii joogi karo, waxaana maxkamaddeynta ay soo dhamaan doonto 13-ka Oktoobar iyadda oo kadib la filayo go'aan.

Waa wiilka kaliya ee uu dhalay Frank Bainimarama, kaas oo xukunka hayay tan iyo 2007 ka dib markii uu hogaaminayay afgambi militari kaasoo dhacay sanad ka hor.

Kiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cadaadis siyaasadeed oo uu wajahayo Bainimarama maadaama Ra'iisul Wasaare Sativena Rabuka uu qaub ka yahay doorashadda dhamaadka sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM