Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay
PARIS, Luulyo 15 – Brigitte Macron, xaaska Madaxweynaha Faransiiska, ayaan ka laabanin dagaal sharciyeed ay kula jirto laba haween ah oo ku eedeeyay inay ahayd nin markii hore dhalasheeda.
Isbuucii hore, maxkamadda rafcaanka ee Paris ayaa laashay xukun hore oo dambiyeynayay labada haween ah, kuwaas oo lagu helay faafinta eedeymo been abuur ah. Maxkamaddu waxay sheegtay inay "si daacad ah" u dhaqmeen, isla markaana ka qaaday amarkii hore ee ahaa inay magdhow bixiyaan.
Qareenka Brigitte Macron ayaa Isniintii sheegay in ay dacwadda u gudbin doonaan maxkamadda sare ee rafcaanka Faransiiska, taasoo ah heerka ugu sarreeya ee garsoorka dalkaas.
Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah — Amandine Roy, oo ah qof sheegata inuu ruuxi yaqaan yahay, iyo suxufiyad madaxbannaan oo lagu magacaabo Natacha Rey — ay ku sheegeen in Brigitte Macron ay asal ahaan ahayd nin lagu magacaabi jiray Jean-Michel Trogneux. Jean-Michel Trogneux waa walaalka dhabta ah ee Brigitte Macron, sida ay sheegtay qoyska.
Muuqaalku wuxuu si weyn ugu faafay baraha bulshada, isagoo xan u beddelay eedeymo la xiriira qalliinka isbeddelka jinsiga iyo nolosha gaarka ah ee Brigitte. Taas darteed, waxay dacwad kusoo oogtay labadan haween ah, iyadoo ku eedeysay sumcad dil iyo xadgudub ku saabsan arrimaheeda gaarka ah.
Brigitte Macron oo 72 jir ah ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay mala-awaalyo iyo khiyaaliyo siyaasadeed, kuwaas oo badankood ku saleysan farqiga da’ ahaan ee u dhexeeya iyada iyo ninkeeda, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo ay ka weyn tahay 24 sano.
GAROWE ONLINE