Xabad joojintii dalka Koonfurta Sudan oo la jebiyey

Image

November 9, 2014 (GO)- Dowladda iyo mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu jebiyey  xabad joojinta, 24saac kadib heshiis hordhac oo labada dhinac ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hogaamiyaha ergada mucaaradka uga qayb gelaya wada hadalada Taban Deng Gai, ayaa sheegay in ciidamada dowladdu weerar kusoo qaadeen fariisimihii mucaaradka ee gobolka Unity gaar ahaan magaalada Bentiu.

Docda kale af-hayeen u hadalay Dowalda Koonfurta Sudan ayaa beeniyey sheegashada mucaaradka, isagoo xusay in xoogag ka tirsan mucaaradku weerar kusoo qaadeen magaalada Renk ee gobolka Niilka Sare.

Eedaymaha labada dhanac isu jeedinayaan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey shaaciyey in xayiraad dhaqaale iyo socdaalka ah lagu soo rigi doono madaxda dhankii lagu helo inuu heshiiska xabad joojinta buriyey.

Boqollaal qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan labo milyan oo kalena way ku barakaceen dagaalo ka bilowday Koonfurta Sudan December 2013, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka amar qaata madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar oo isaga lagu soo eedeeyey inuu mas'uul ka ahaa afgembi dhicisoobay. 

Dagaalada ayaa dib usoo cusboonaday dhowr todbaad kahor kadib markii ciidamada dowladda iyo xoogaga mucaaradku ku dagaalameen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Bentiu. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine: Xaggee ayay xaaladdu hadda maraysaa?

Waxaa jira qorshayaal iyo soo-jeedinno hore oo Mareykanku soo bandhigay oo ku saabsanaa…

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 07:58AM

Xuutiyiinta oo weeraro culus ku qaadey Sacuudiga

Waxa uu sheegay in isbahaysigu qaadi doono “dhammaan tallaabooyinka hawlgal ee lagama maarmaanka ah” si looga hortago weerarrada iyo ilaha ay ka soo fulaan.

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 05:34AM