Xabsi ku yaalla Lubnaan oo laga sii daayay wiilka Qadaafi oo 10 sano xirnaa

Image

Garsoore ka tirsan dalka Lubnaan ayaa amar ku bixiyey in damaanad lagu sii daayo Hannibal Gaddafi, wiilka ugu yar ee hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Muammar Gaddafi, kaasoo ku jiray xabsi ku meel gaar ah muddo ku dhow toban sano. Sidoo kale, garsooruhu wuxuu ku soo rogay xayiraad safar.

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan (NNA) ayaa Jimcihii xaqiijisay go’aanka maxkamadda ee la xiriira kiiska afduubka iyo maqnaanshaha hogaamiyihii Shiicada Lubnaan, Sayid Muuse al-Sadr, kaasoo laga waayey dalka Liibiya sanadkii 1978.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa si kulul uga falceliyey qareenka Gaddafi, Laurent Bayon, oo u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in:
"Sii-deynta damaanad lagu siidaayo waxay tahay mid gebi ahaanba aan la aqbali karin, marka la eego xabsi ku saleysan sharci-darro. Waan ka cawdi doonnaa go’aankan."

Bayon wuxuu intaas ku daray in macmiilkiisu uu saaran yahay cunaqabatayn caalami ah, sidaas darteedna uusan awoodin inuu bixiyo lacagta damaanadda oo lagu sheegay $11 milyan oo doolar.

"Xaggee baad rabtaa inuu lacagtaas ka keeno?" ayuu yiri Bayon.

Hannibal Gaddafi ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in uu qarinayo xog muhiim ah oo la xiriirta maqnaanshaha Muuse al-Sadr. Al-Sadr wuxuu ahaa hogaamiye si weyn loogu ixtiraamo Lubnaan, wuxuuna safar ku tagay Liibiya si uu ula kulmo Muammar Gaddafi, balse tan iyo markaas isaga, gacan-yarihiisa iyo wariye la socday midkoodna lama arag.

Maqnaanshaha al-Sadr ayaa sababay tuhunno badan iyo eedeymo muddo tobanaan sano ah soo jiitamayay, kuwaas oo loo jeediyay Muammar Gaddafi iyo dowladdiisii hore. Xiriirka labada dal ayaa xumaaday tan iyo dhacdadaas.

Ururka Human Rights Watch ayaa bishii Agoosto ugu baaqay dowladda Lubnaan in si degdeg ah loo sii daayo Hannibal Gaddafi, iyagoo sheegay in lagu haysto eedo aan caddayn laheyn.

Toddobaadkii hore ayaa laga digay xaaladda caafimaad ee Gaddafi kadib markii la dhigay isbitaal isagoo qaba xanuun caloosha ah. Gaddafi ayaa horay uga cabanayay niyad-jab xooggan, wuxuuna bilaabay cunto ka soomitaan si uu uga mudaaharaado xabsiga aan maxkamadeynta lahayn.

Sanadkii 2023, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Liibiya, Al-Sediq al-Sour, ayaa si rasmi ah uga codsaday dhiggiisa Lubnaan in Gaddafi la sii daayo sababo la xiriira caafimaadkiisa sii xumaanaya, isagoo sheegay in sii-deyntiisa ay suurto gal ka dhigi karto in la helo runta ku saabsan maqnaanshaha Muuse al-Sadr.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM