Xamaas: Argagixiso ma nihin

Image

DOHA - Hogaamiyaha siyaasadda dibada ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniya oo caawa sii daayay muuqaalka uu kaga hadlayo duqeynta Israel ay ku wado Gaza ayaa sheegay in kooxdoodu ay ku sugan tahay xaalad uu ku tilmaamay mid kun kheyr ah.

Dhanka kale waxaa uu iska fogeeyay eedaha reer galbeedka ee in kooxdoodu Argagixiso tahay isaga oo uga jawaabay" Argagixiso ma ahin waxaan nahay gobannimo doonayaal u dhaqma sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah, shareecada Islaamka iyo dhamaan Diimaha alle soo dajiyay".

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri "waxaan bogaadinayaa dhamaan codadka geesiyaasha ee dhiiran kuwaasi oo cadeeyay xaqqa reer Falastiin waxaana ka codsanayaa in nalagu garab istaago hub iyo maal".

Hadal jeedinta Haniya ayaa imaanaysa iyada oo ay wali marinka Gaza ka socdaan duqeymaha aan ka fiirsiga lahayn ee Israel kuwaasi oo ay ku halaagsameen kumanaan rayid ah oo ay badan yihiin haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM