Xamaas iyo Yahuuda oo gaarey heshiis lagu kordhinayo xabad-joojinta

Image
Dalka dhexdhexaadinta hogaaminaya ee Qatar ayaa xaqiijiyay in xabbad joojinta lagu kordhin doono hal maalin.

DOOXA, Qadar - Militariga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in xabbad joojinta Xamaas ay sii socon doonto "iyadoo la eegayo dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha ah ee lagu sii daynayo la haystayaasha, iyadoo la raacayo shuruudaha heshiiska".

War kale oo ay soo saartay kooxda Xamaas ayay ku sheegtay in la gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad joojinta taasoo ka dhigan in ay noqoneyso maalintii toddobaad.

Ilaa saacadii ugu dambeysay, waxaa su’aal la geliyay rajada laga qabo in la kordhiyo xabad joojinta kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen liiska cusub ee Israa’iiliyiinta laga sii daayay Gaza.

Dalka dhexdhexaadinta hogaaminaya ee Qatar ayaa xaqiijiyay in xabbad joojinta lagu kordhin doono hal maalin, si la mid ah lix maalmood oo joojinta bini'aadantinimo ee Gaza lagu waday in la soo afjaro.

"Dhinacyada Falastiin iyo Israa'iil waxay gaareen heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta bini'aadantinimo ee Marinka Gaza oo lagu daro maalin dheeraad ah iyadoo la raacayo shuruudihii hore, kuwaas oo ah xabbad-joojin iyo gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo, iyada oo la raacayo qaabka dhexdhexaadinta wadajirka ah ee Dawladda Qatar," ayuu yiri "Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majed al-Ansari.

In ka badan 15-kun oo Falastiini ah ayaa lagu dilay marinka Gaza tan iyo 7-dii October ee sanadkan 2023-ka, halka Yahuuda laga digay in ka badan 1,200 Israa'iili ah waxaana dhaawaca uu ka badan yahay ku dhowaad 20-kun isku-darka labada dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM