Xamaas oo looga dacwooday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada

Image

PARIS (GO) - Qareen lagu magacaabo François Zimray ayaa magaalada Paris kaga dhawaaqay in uu u gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dacwad ka dhan ah Xamaas kuna saabsan dambiyo liddi ku ah bini’aadantinimada.

Qareenkan ayaa wakiil ka ah sagaal qoys oo ka mid ah dadkii ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii Xamaas 7-dii October.

Zimray wuxuu ka codsaday dacwad oogaha Maxkamadda inuu tixgeliyo bixinta amarka xarigga caalamiga ah ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Xamaas.

Zimray waxa uu sheegay in weerarka ay qaadeen Xamaas 7-dii October uu yahay xasuuq, isaga oo sheegay inay tahay in la diiwaangeliyo weearkaas si ay taariikhdu u xusto.

Dacwadaan ayaa lagu sheegay in Xamaas aysan diidin dambiyada ay galeen, iyaga oo si baaxad leh ugu faafiyay Baraha Bulashada muuqaalo cadaynaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM