Xamaas oo looga dacwooday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada

Image

PARIS (GO) - Qareen lagu magacaabo François Zimray ayaa magaalada Paris kaga dhawaaqay in uu u gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dacwad ka dhan ah Xamaas kuna saabsan dambiyo liddi ku ah bini’aadantinimada.

Qareenkan ayaa wakiil ka ah sagaal qoys oo ka mid ah dadkii ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii Xamaas 7-dii October.

Zimray wuxuu ka codsaday dacwad oogaha Maxkamadda inuu tixgeliyo bixinta amarka xarigga caalamiga ah ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Xamaas.

Zimray waxa uu sheegay in weerarka ay qaadeen Xamaas 7-dii October uu yahay xasuuq, isaga oo sheegay inay tahay in la diiwaangeliyo weearkaas si ay taariikhdu u xusto.

Dacwadaan ayaa lagu sheegay in Xamaas aysan diidin dambiyada ay galeen, iyaga oo si baaxad leh ugu faafiyay Baraha Bulashada muuqaalo cadaynaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM