Xamaas oo sheegay in dagaalkoodii ku wajahan Israa’iil uu sii ballaran doona

Image

QASSA - Ururka Xamaas ayaa maanta ku dhawaaqay in ay sii xoogaysan doonaan weerarrada ay ku bilaabeen Israa’iil subaxnimadii Sabtida, iyaga oo sheegay in ay ku soo biiri doonaan Daanta Galbeed iyo Lubnaan.

Ururka ayaa bilaabay weerar ka dhan ah Israa’iil subaxnimadii Sabtida, waxayna rideen kumanaan gantaal oo gaaraya sida ay sheegeen ilaha qaar ilaa 5 kun, kuwaas oo laga soo riday marinka Qassa.

Saacado ka hor, Xisbullah ee Lubnaan ayaa soo gashay dagaalkan iyaga oo gantaallo la dhacay 3 goobood oo milatariga Israa'iil leeyihiin kuwaasi oo ku yaalla Beeraha Shebaa ee la haysto.

Israa'iil ayaa dhankeedii madaafiic ku garaacday koonfurta Lubnaan, ka dib markii xisbigu uu bartilmaameedsaday goobahan.

Geesta kale, ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen deegaan ku yaalla dalka Lubnaan oo madaafiic looga soo tuuray dhanka xuduudka.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn ay duqeeyeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Xisbullah oo ku taalla deegaanka Jabal Ross ee Beerta Shebaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM