Xamaas oo sii deysay haweeney Israa’iil u dhalatay iyo caruur ay dhashay

Image

QUDUS - Guutada Izz al-Diin al-Qassam, oo ah garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa ku dhawaaqay Arbacada inay sii daayeen haweeney Israa’iil u dhalatay iyo laba caruur ah oo ay dhashay.

Al-Qassam ayaa ku yiri bayaan ay soo saareen in haweeneysda iyo labadeeda carruur ah la sii daayay ka dib markii lagu xiray iska horimaadyada.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa dhankiisa yiri: “Kadib markii dunida oo dhan ay aragtay wejigeeda foosha xun oo runta ah sida urur waxashnimo ah oo boqolaal caruur iyo haween aan waxba galabsan ku dilay weerar argagixiso.”

Adraee ayaa intaas ku daray: "Runtu waa caddahay, sifooyinkeeduna way sii caddaan doonaan maalmaha soo socda, Xamaas way ka sii daran tahay Daacish, waxaana sii wadi doonnaa duqeymaha oo aan joogsi lahayn."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM