Xariga daldalida oo laga helay goob xarun looga dhisayo Obama

Image
Image
Image
Tani ayaa sabab u noqotey hakinta shaqadda dhismaha iyadda oo 100-kun doolar loo balanqaadey cidii xog ka keenta falkan.

WASHINGTON, United States - Xarga loo isticmaalo in dadka lagu daldalo oo laga helay goob laga dhisayo Madfac iyo Xarun loogu magacdaray madaxwaynihii hore ee Mareykanka Barrack Obama ayaa keentay in kooxda kormeeraysay mashruuca ay joojiyaan shaqada. Dhismahan ayaa laga dhisayaa magaalada Chicago.

Lakeside Alliance, oo ay iska kaashadeen shirkado gacanta ku haya dhismaha xarunta, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen inay ku wargeliyeen dhacdada booliska ayna " bixin doonaan wixii kaalmo ah ee loo baahan yahay si loo aqoonsado kuwa mas'uulka ka ah".

Shaqada ayaa hakad ku jirtay Jimcihii shalay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay iskaashatada, in kasta oo telefishinka CNN uu soo wariyey shaqaalaha oo mashiino culus ku dhex wareegaya goobta.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri "howlo kaabaya xaqiijinta badbaadada iyo amniga goobta ayaa laga yaabaa inay dhacaan maalinta oo dhan."

Shirkadda ayaa balanqaadey in ay bixineyso abaal-marin dhan $100,000 ciddii keenta xog lagu soo qaban karo kuwa ka mas'uulka ah, sida lagu sheegay bayaan hore, kaas oo intaas ku daray in aanay u dulqaadan karin nooc kasta oo eex ama nacayb goobtayada shaqada ah.

Xarunta ayaa noqon doonta fariisinka ugu weyn ee Hay'adda Barrack Obama si lamid ah waxaa laga dhigi doonaa madxaf laga helo karo macluumaad ku saabsan xiligii uu xafiiska joogay Obama.

Obama wuxuu doortay Chicago sababtoo ah - sida uu ku dhejiyay muuqaalka 2015 ee ku dhawaaqay doorashadiisa - waa meeshii "dhammaan qaybaha noloshayda ay isugu yimaadeen." Waxa uu xusay in xirfadiisa siyaasadeed ay ka bilaabatay magaalada, waana halkii ay ku kulmeen isaga iyo Michelle Obama.

Mashruuca, si kastaba ha ahaatee, waxaa gaabis geliyey dacwado iyo cabashooyin ka yimid dadka degaanka. Sanadkii 219 garsoore federaal ah ayaa meesha ka saaray dacwad isku dayday in laga hortago in maktabadda laga dhiso Jackson Park oo uu sheegay in dhismuhu si degdeg ah u bilaabo.

Dacwadan ayaa waxaa keenay dad u dhuun daloola arrimaha deegaanka oo ku dooday in dhulkii danta guud ahaa loo adeegsadey mashruuc gaar loo leeyahay. Obama ayaa ugu dambeyntii wuxuu dhagax-dhigay xarunta bishii Sebtembar 2021 isaga oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo gobol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM