UK oo cunaqabateyn kusoo rogtay madaxwayne ku xigeen

Image
Teodoro Obiang Mangue ayaa lagu eedeeyay inuu iibsaday guryo waaweyn iyo baabuur. [Photo: GettyImages]

LONDON, UK - Madaxweyne ku-xigeenka Equatorial Guinea oo la sheegay inuu ku bixiyay $275,000 gacan-gashiga uu xirtay Michael Jackson ayaa kamid ah shan qof oo lagu soo rogay cunaqabateynta cusub ee "la dagaalanka musuqmaasuqa" ee Ingiriiska.

Teodoro Obiang Mangue oo wali aan si rasmi ah uga jawaabin xayiraadda lagu soo rogay ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu iibsaday guryo waaweyn iyo baabuur.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Dominic Raab ayaa tibaaxay in cunaqabateyntan cusub lagu bartilmaameedsaday "shakhsiyaad jeebkooda jeexjeexay iyagoo muwaadiniintooda daneynaya".

Afarta bartilmaameed ee kale waxay u kala dhasheen Zimbabwe, Venezuela iyo Iraq. Hase ahaatee, illa ahaatan laguma soo bandhigin magacyadooda warbixintan ay faafisay BBC-da.

"UK waxaa ka go'an la dagaallanka musuqmaasuqa iyo in lala xisaabtamo kuwa mas'uulka ka ah waxyeeladeeda dhinaca dhaqaalaha," ayuu yiri Mr Raab oo lagu soo xigtay warbixinta.

Wuxuu raaciyey: "Musuqmaasuqu wuxuu baabi'inayaa hantida ummadaha saboolka ah, wuxuu dadkooda ku hayaa faqriga waxayna sumeeyaan ceelka dimuqraadiyada".

Mr Obiang oo kamid ah maalqabeenadda Equatorial Guinea waa wiilka madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo waxaana loo magacaabay wasiir dowladeed sanadkii 1998.

Cunaqabateynta boqortooyadda UK waxay aalaaba diiradda saartaa hantida maguurtada ah iyo tan lacagta ah ee shaqsiyaadka la magacaabay. Sidoo kale, waxay ka mamnuuceysaa muwaadiniinta Britain in ay la macaamilaan ama in hantidooda geliyaan UK. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM