Xi Jinping: Madaxweynaha Shiinaha oo ka dagay Sacuudiga

Image
Booqashadii ugu dambeysay ee Xi ku tagay Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa fiidnimadii Arbacada shalay ahayd waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Xi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee King Khalid ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Riyaad Amiir Faysal Bin Bandar.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa inta uu joogo Boqortooyada qaniga ku ah Saliida waxa uu ka qeyb galayaa shir madaxeedka u horeeyay ee Shiinaha iyo Carabta iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Khaliijka ee ka dhacaya Riyadh.

Sidoo kale waxa uu wada hadal la yeelan doonaa Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis. Booqashadii ugu dambeysay ee Xi ku tagay Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016.

Booqashada madaxweynaha Shiinaha ayaa ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu booqday Riyadh iyadoo ay jirto xiisad dhanka tamarta ah oo uu sababay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM