Xiisad ka dhalatay wariye telefishinka Al Jazeera laga eryay

Image
Falcelin balaaran ayaa arintaas ka dhalatay iyada oo baraha bulshada garab istaag loogu muujiyay wariyahan.

DOOXA, Qadar - Telefishinka Al Jazeera ayaa shaqada ka eryay Abdulkhaliq Abdisamad oo kamid ahaa wariyayaasha ugu mudada dheer ee warbaahintaas ka shaqaynayay.

Abdulkhaaliq oo ku biiray Al Jazeera 1997 isla markaana ka shaqaynayay in ka badan 26 sano ayaa dhawaan shaqada laga eryay kadib markii uu dhex galay khilaafka u dhaxeeya Marocco iyo Aljeria.

Bartiisa twitterka ayuu ku naqdiyay warbixin laga sii daayay telefishinka rasmiga ah ee Aljeeriya kaasi oo uu ku eedeeyay in uu u gafay haweenka dalka Marocco oo Abdulsamad uu kasoo jeedo.

Falcelin balaaran ayaa arintaas ka dhalatay iyada oo baraha bulshada garab istaag loogu muujiyay wariyahan. Shacabka Qadar ayaa qaybtood sheegay in uu xiligii la go'doomiyay dalkooda la jiray iyaguna ay maanta garab taagan yihiin.

Cabdisamad oo tan iyo intii ay arintaani soo baxday aan hadal ayaa muuqaal gaaban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka waxaa uu ku sheegay in uusan ka hadlaynin wixii dhacay Aljazeerana ay tahay meel uu tacab badan ka galay.

In uu ku laaban doono dalkiisa Marocco ayuu sheegay isaga oo tilmaamay in uusan Tv-ga u qabanayn khalad uu sheegay in ay dad gaar ah galeen.

Aljazeera oo ay ka wada shaqeeyaan wariyayaal kasoo kala jeeda wadamo badan ayaa xiliyada qaar waajaha hardan dhexdooda ah iyaga oo inta badan ka fogaada in ay barahooda bulshada ku muujiyaan aragtiyaha dalalkooda isla markaana ay u hogaansamaan hanaanka tifaftirka Al Jazeera.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM