Xildhabaanad Israa’iili ah oo ku baaqday in hubka Nukliyeerka loo adeegsado Qassa

Image

QUDUS - Xubin ka tirsan baarlamaanka Israa’iil ayaa ugu baaqay ciidamada inay “hubka Nukliyeerka u adeegsadaan” Qassa, taasoo jawaab u ah weerarrada lama filaanka ah ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil oo bilowday subaxnimadii Sabtida.

Xildhibaanad Tali Gottliff, oo ka tirsan xisbiga Likud, ayaa barteedii ‘X’ ku daabacday dhowr qoraal ay ugu baaqday in aga aarguto ururka Xamaas & falastiiniyiinta.

"Waxaan idinku boorrinayaa inaad wax walba samaysaan oo aad hubka qiyaamaha u isticmaashaan si cabsi la'aan ah," ayay ku dartay qoraal kale, iyadoo raacisay in Israa'iil ay tahay inay hub walba u isticmaasho dagaalkan.

Waxay intaas raacisay: “Qarax ruxa Bariga Dhexe oo kaliya ayaa soo celin doona sharafta, xoogga, iyo amniga dalkan!"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM