Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hor-timid mamnuucida TikTok

Image
Madaxa shirkadda TikTok Shou Zi Chew ayaa todobaadkii hore waxa uu hortagay xubnaha Guddiga Tamarta iyo Ganacsiga.

WASHINGTON, USA - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka soo horjeesatay dadaallada lagu mamnuucayo TikTok, iyadda oo shaaca ka dhigtey in mamnuucida ay keeneyso faafreeb ballaaran.

Ilhaan ayaa waxay ku baaqdey wadahadal lagu xakameynayo dacaayadaha baraha bulshadda. Codka Xildhibaanadda wuxuu qeyb ka yahay mudaneyaal kale oo ku aragti a.

Sharci-dajiyayaashan oo ka kala tirsan labada xisbi ee Mareykanka ayaa cod dheer waxay kusoo jeediyeen in ay dib loo dhigo mamnuucida wallow ay shaki ka muujyeen app-kan.

"Waxaan ka soo horjeedaa dadaallada ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta ee ah in si kali ah looga mamnuuco TikTok," ayay Ilhaan ku tiri war qoraal ah.

Madaxa shirkadda TikTok Shou Zi Chew ayaa todobaadkii hore waxa uu hortagay xubnaha Guddiga Tamarta iyo Ganacsiga ee Aqalka Hoose baarlamaanka Mareykanka.

Mudaneyaasha ayaa Chew waydiiyey su'aallo ay kaga dalbanayaan in uu sharaxaad kaga bixiyo qodobada ay walwal ka qabaan ee ku saabsan barnaamijkan aadka loo adeegsado.

Arrimaha ay su'aallo dul-istaageen ayaa kala ah; khataraha amniga qaranka, sirta xogta, faafinta macluumaadka khaldan iyo badbaadada carruurta aan qaan-gaarin ee adeegsata app-kan.

Mareykanka ayaa hormuud u ah dhowr waddan reer galbeed ah kuwaasoo olole xooggan ugu jira sidii loo mamnuuci lahaa Tiktok oo u arkaan in uu Shiinaha ku kordhinayo saameyntiisa aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM