Xildhibaan Sare oo Maraykan ah oo Shaaciyey Magacyo Horay Loo Qariyey oo La Xiriira Kiiska Jeffrey Epstein
Mid ka mid ah xildhibaanada ugu sarreeya Kongareeska Mareykanka, Ro Khanna, ayaa si rasmi ah uga dhex akhriyey golaha wakiillada magacyada lix nin oo uu sheegay in si khaldan looga qariyey dukumiintiyada la xiriira dambiyadii galmada ee lagu helay maalqabeenkii dhintay Jeffrey Epstein.
Khanna ayaa sheegay in raggan, oo lagu tilmaamay “maalqabeenno awood leh,” markii hore laga qariyey faylasha baaritaanka, balse hadda la ogaaday magacyadooda. Lixda nin ee uu shaaciyey waxaa ka mid ah:
- Les Wexner – Aasaasaha shirkadda caanka ah ee dharka dumarka ee Victoria’s Secret
- Sultan Ahmed bin Sulayem – Maamulaha guud ee shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai
- Salvatore Nuara
- Zurab Mikeladze
- Leonic Leonov
- Nicola Caputo
Xildhibaanku wuxuu sheegay in isaga iyo mudane Thomas Massie ay booqdeen Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, halkaas oo ay muddo laba saacadood ah ku eegayeen dukumiintiyo aan la tifaftirin (unredacted files) oo la xiriira Epstein.
Khanna ayaa xusay in inkastoo sharci cusub uu farayo in dukumiintiyada la sii daayo, haddana inta u dhaxaysa 70% ilaa 80% faylasha wali la qariyey. Wuxuu su’aal geliyey sababta ay ku qaadatay in xildhibaano si gaar ah u booqdaan wasaaradda si loo helo xogtan.
“Haddii laba saacadood gudahood aan ku helnay lix magac oo la qarinayey, qiyaas inta kale ee laga yaabo in lagu qariyey malaayiinta dukumiinti,” ayuu yiri Khanna.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyey hay’adda FBI-da inay wax ka beddeshay diiwaannada bilihii ka horreeyey ansixinta sharciga loo yaqaan Epstein Files Transparency Act, kaas oo oggolaanaya in xogta la qariyo kaliya marka lagu ilaalinayo aqoonsiga dhibbaneyaasha.
Arrintan ayaa dib u hurisay doodaha ku saabsan heerka daah-furnaanta hay’adaha federaalka iyo sida loo maareeyey faylasha la xiriira kiiska Epstein, oo muddo dheer hadal-hayn ka ahaa gudaha Mareykanka iyo caalamkaba.
GAROWE ONLINE