Xildhibaanad Falastiin u dhalatay oo fariin kulul u dirtay Biden

Image

WASHINGTON (GO) - Xildhibaanadda Mareykanka Rashida Tlaib ayaa ku eedeysay madaxweyne Joe Biden inuu taageeray "xasuuqa" Falastiiniyiinta, iyadoo sheegtay in Mareykanka ay xasuusan doonaan ficilladiisa markii la gaaro xilliga doorashada.

Tlaib oo ah xildhibaanad Dimuqraadi ah oo ka socota Michigan, waa xildhibaanka kaliya ee ka soo jeeda Falastiin ee ku jira Aqalka Wakiilada.

Muuqaal ay Jimcihii soo dhigtay barteeda “X” ayay Tlaib ku tiri: “Mudane Madaxweyne, dadka Maraykanku kugu ma taageersana arrintan, waxaan xasuusan doonnaa 2024-ka markii la gaaro xilliga doorashada.

Qoraalka la socda muuqaalka ayaa lagu sheegay, "Biden wuxuu taageeray xasuuqa dadka Falastiiniyiinta. Dadka Maraykanku ma ilaawi doonaan. Biden, taageer xabbad joojinta hadda ama ha nagu tashan 2024."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM