Xildhibaanada Denmark oo la faray in ay iska tirtiraan app-ka TikTok

Image
Talaabadan ayaa waxay daba socotaa talooyinka ka soo baxay Xarunta Ammaanka Internet-ka.

COPENHAGEN, Denmark - Baarlamaanka Denmark ayaa ku dhawaaqay inay ka codsadeen mudanayaasha iyo dhammaan shaqaalaha in telefoonadooda iyo aaladaha ay adeegsadaan ka saaraan app-ka TikTok.

Talaabadan ayaa waxay daba socotaa talooyinka ka soo baxay Xarunta Ammaanka Internet-ka ee Denmark oo ku boorisey saraakiisha iyo shaqaalaha dawladda inay ka dheeraadan barnaamijkan.

Soojeedintaas ayaa salka ku haysa go'aan uu gaarey guddiga ugu sareeya ururka Midowga Yurub kaasoo ka mamnuucay app-ka "si looga hortago jaajuusnimo suurtagal ah".

"Waxaa jirta khatar basaasnimo marka la isticmaalayo TikTok, marka sidaas ayaan ula qabsanaynaa soojeedintan loo qaateenka ah," ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Denmark, Soren Gade.

Baarlamaanka Mareykanka ayaa meelmariyay mamnuucid looga masaxayo app-ka TikTok inta badan agabka dowladda, kaasoo madaxweyne Joe Biden uu saxiixay dabayaaqadii bishii Disembar.

Shaqaalaha hay'adaha federaalka Mareykanka ayaa dhowaan lagu amray inay sidaas oo kale sameeyaan. Dowlada Canada ayaa horaantii todobaadkan ka mamnuucday TikTok dhamaan taleefanadeeda iyo aaladaha kale.

App-kan muuqaalada la isaga duubo ayna leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance waxaa la soo deristay baaritaanno dheeri ah oo ku aaddan cabsida laga qabo inay Beijing siiso xogta isticmaaleyaasha xasaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM