Xisbiga Boris Johnson oo looga adkaadey doorashooyinkii UK

Image
Codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya.

LONDON, Britain — Xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii dowladaha hoose ee xaafado ay ku xoogaanaayeen oo ka mid ah London iyo qeybaha kale ee dalka.

Natiijooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Johnson uu lumiyey taageeradii koonfurta bari ee London, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si deg deg ah maanta u sheegay inaan la joogin xilligii la sameyn lahaa isbeddel hoggaamiye.

Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

Xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale markii ugu horreysay ku guuleystay golaha deegaanka Westminster, oo ah degmada ay ku yaalaan inta badan xafiisyada dowladda.

“Natiijo cajiib ah, gebi ahaan cajiib ah, I rumeysta tani waa isbeddel weyn oo ku yimid doorashadii 2019,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer oo taageerayaashiisa kula hadlay London.

Natiijada rasmiga ah oo soo baxeysa xilli dambe oo Jimcaha maanta ah ayaa muuqaal muhiim ah ka bixin doonta aragtida shacabka tan iyo markii xisbiga Johnson ee Conservative-ka ay 2019-kii ku guuleysteen aqlabiyaddii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.

Waxaa bishii lasoo dhaafay loo ganaaxay inuu ka qeyb-galay xaflad dhalasho oo ka dhacday xafiiskiisa 2020-kii, isaga oo jebiyey xayiraadihii dowladda soo rogtay ee lagu xakameynayey faafitaanka cudurka COVID-19.

Guuldarrooyinka golayaasha deegaanka London, oo inta badan laga xaaqay Conservative-ka ayaa cadaadiska ku kordhin doona Johnson oo bilooyin badan dagaal ugu jiray badbaado siyaasadeed.

Doorashooyinkii dhacay Khamiistii ayaa go’aan ka gaari doonaa maamulka in ka badan 7,000 oo goleyaal deegaan ah, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla London, Scotland iyo Wales iyo saddex meelood meel England.

REUTERS + VOA

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM