Xisbullah oo soo riday diyaarad ay Israa’iil leedahay

Image

BEIRUT (GO) - Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah inay duqeyn cirka ah ku burburisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay Israa'iiliyiintu leeyihiin, taas oo dul maraysay koonfurta Lubnaan, halka ciidamada Israa’iil ay beeniyeen wararkaas.

Waa markii labaad asbuucan ay Xisbullah ku dhawaaqdo in ay soo rideen diyaarad ay Israa'iil leedahay, iyada oo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya labada dhinac.

Xisbullah ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahanadeeda ay soo rideen diyaarad ku kor duulaysay laba tuulo oo ku yaala xadka Lubnaan, iyagoo intaa ku daray in gantaalku oo isla markiiba burburiyo diyaaradda.

Ciidamada Israa’iil ayaa qiray in gantaal laga soo riday Lubnaan oo ku socday mid ka mid ah diyaaradoohada, inKastoo ay beeniyeen in ay burburtay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM