XMS oo diidday in Falastiin & Israa’iil ay noqdaan laba dal oo kala madaxbanaan

Image
Meshaal ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xamaas aysan aqbali doonin xalkan.

Qasa (GO) - Madaxa Xamaas ee dibadda, Khaled Meshaal, ayaa ku nuuxnuuxsaday diidmada ururka iyo shacabka falastiin ee xalka labada dawladood ah oo ah in Israa’’iil iyo Falastiin ay yeeshaan laba dal oo kala madaxbanaan.

Meshaal ayaa yiri: “Dadkeennu waxay dalbanayaan xornimo, ka takhalusida gumeysiga, madaxbannaanida, iyo aasaaska dawladda Falastiin”.

Meshaal waxa uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xamaas aysan aqbali doonin xalkan, isaga oo yiri: “Waxay ka dhigan tahay in aan aqoonsano maamulka Sahyuuniyadda, oo aan dowlad ku badalano”.

Meshaal ayaa yiri: "Maxay Falastiiniyiintu u tahay inay qaataan shan meelood meel dhulka Falastiin?” Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in mawqifka shacabka Falastiin uu yahay in dawlad looga dhiso badda ilaa wabbiga oo qeyb ka ah dhulka ay Israa’iil haysato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM