Xukuumaddii la kala diray ee Suudaan oo ka cabatay ka qeybgalka Al-Burhan ee shirka QM

Image

kHARTOUM, Sudan - Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee la kala diray ee Suudaan ayaa u gudbisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres qoraal ay kaga soo horjeedaan ka qayb galka taliyaha guud ee ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dawladdii Abdullah Hamdok, oo lagu kala diray Oktoobar 2021 go’aan ka soo baxay taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in ka qayb galka Al-Burhan ee shirka uu ka hor imanayso mawqifka ay wadamada caalanka ka qaateen afgambiyada militari.

Sida ku cad qoraalka ay ku saxeexan yihiin Abdullah Hamdok iyo tiro wasiiro hore ah, arrintan ayaa diraysaa calaamado khatar ah oo dhiirigelinaysa afgambiyada milatari ee dhawaanahan ku fiday Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM