Xukuumaddii la kala diray ee Suudaan oo ka cabatay ka qeybgalka Al-Burhan ee shirka QM

Image

kHARTOUM, Sudan - Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee la kala diray ee Suudaan ayaa u gudbisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres qoraal ay kaga soo horjeedaan ka qayb galka taliyaha guud ee ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dawladdii Abdullah Hamdok, oo lagu kala diray Oktoobar 2021 go’aan ka soo baxay taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in ka qayb galka Al-Burhan ee shirka uu ka hor imanayso mawqifka ay wadamada caalanka ka qaateen afgambiyada militari.

Sida ku cad qoraalka ay ku saxeexan yihiin Abdullah Hamdok iyo tiro wasiiro hore ah, arrintan ayaa diraysaa calaamado khatar ah oo dhiirigelinaysa afgambiyada milatari ee dhawaanahan ku fiday Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM