Xuutiyiinta oo "duqeeyay" magaalooyin ku yaala Sacuudiga

Image
Kooxda hubeysan ayaa intaas ku dartey in goobaha ay beegsatay ku jiraan "aagaga muhiim ah".

RIYADH, Saudi Arabia - Dagaalameyaasha Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay 14 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah kuna hubeysan gantaalo ay garaaceen dhowr magaalo oo Sucuudi ah Sabtidii.

Goobaha ay beegsadeen ayay tibaaxeen in ay ku jiraan xarumaha Sucuudiga shirkadda Aramco ee Jeddah. Wakaaladda wararka ee Sucuudiga waxay sheegtay in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay weerareen 13 bartilmaameed oo Yemen ku yaalla, intii lagu jiray hawlgal milateri oo ka dhan ah kooxdan la sheego in ay taageerto Iiraan.

Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay telefishinka Sabtidii ku sheegay in kooxdu ay weerartay wershadaha sifaynta ee Aramco ee Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyada milatari ee Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran.

Saree waxa uu sheegay in weeraradu ay jawaab u yihiin "gardarrada" sii kordhaysa ee isbahaysiga Carbeed ee Sucuudigu hoggaamiyo "iyo sii wadida dambiyada iyo go'doominta" Yemen.

Yemen ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo fowdo tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo Xuutiyiinta ay qabsadeen inta badan dalkaas oo ay ku jirto Sanca.

Qalalaasaha ayaa cirka isku sii shareeray 2015 markii isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ay bilaabeen olole cirka ah oo ba'an oo lagu doonayo in lagu soo celiyo guulihii dhuleed ee Xuutiyiinta.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada, iska-hor-imaadka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 233,000 oo qof halka kumanaan kale ay ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM