Xuutiyiinta oo "duqeeyay" magaalooyin ku yaala Sacuudiga

Image
Kooxda hubeysan ayaa intaas ku dartey in goobaha ay beegsatay ku jiraan "aagaga muhiim ah".

RIYADH, Saudi Arabia - Dagaalameyaasha Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay 14 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah kuna hubeysan gantaalo ay garaaceen dhowr magaalo oo Sucuudi ah Sabtidii.

Goobaha ay beegsadeen ayay tibaaxeen in ay ku jiraan xarumaha Sucuudiga shirkadda Aramco ee Jeddah. Wakaaladda wararka ee Sucuudiga waxay sheegtay in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay weerareen 13 bartilmaameed oo Yemen ku yaalla, intii lagu jiray hawlgal milateri oo ka dhan ah kooxdan la sheego in ay taageerto Iiraan.

Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay telefishinka Sabtidii ku sheegay in kooxdu ay weerartay wershadaha sifaynta ee Aramco ee Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyada milatari ee Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran.

Saree waxa uu sheegay in weeraradu ay jawaab u yihiin "gardarrada" sii kordhaysa ee isbahaysiga Carbeed ee Sucuudigu hoggaamiyo "iyo sii wadida dambiyada iyo go'doominta" Yemen.

Yemen ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo fowdo tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo Xuutiyiinta ay qabsadeen inta badan dalkaas oo ay ku jirto Sanca.

Qalalaasaha ayaa cirka isku sii shareeray 2015 markii isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ay bilaabeen olole cirka ah oo ba'an oo lagu doonayo in lagu soo celiyo guulihii dhuleed ee Xuutiyiinta.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada, iska-hor-imaadka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 233,000 oo qof halka kumanaan kale ay ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM