Xuutiyiinta oo gantaal ku riday markab laga leeyahay dalka Mareykanka

Image
Maraykanka ayaa dhanka kale burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye laheyn oo ay leeyihiin Xuutiyiinta.

Washington (GO) - Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Xuutiyiinta ay gantaal la beegsadeen markab Mareykanka laga leeyahay oo ku suganaa badda cas, iyadoo wax khasaare ah geysan.

Taliska ayaa xusay in la soo riday labo diyaaradood oo aan duuliye laheyn kuwaas oo laga soo kiciyay deegaanada ay Xuutiyiinta maamulaan.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Xuutiyiintaayaa gantaal ballistic ah ka soo riday deegaannada ay ka taliyaan, iyaga oo la beegsaday markabka Maraykanka laga leeyahay ee USS Labone ee ku sugan badda cas, Gantaalku kuma dhicin markabka, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray.”

Wuxuu intaas ku daray: "Taliska dhexe ee Maraykanka waxay ku guulaysteen inay burburiyaan laba laba diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo laga soo riday dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan."

“Tallaabooyinkan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xorriyadda socdaalka iyo in biyaha caalamiga ah laga dhigo kuwo ammaan u ah ciidamada badda ee Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga," ayuu raaciyay Taliska Dhexe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM