Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay in ay beegsadeen markab dagaal oo Maraykanku leeyahay

Image
Xuuthiyiinta ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan ka waaban doonin inay ka jawaabaan hanjabaadaha uga imaanaya Maraykanka.

Sanaa (GO) - Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta ku dhawaaqay inay beegsadeen markab Maraykan ah oo taageero siiya Israa’iil, iyadoo la beegsaday tiro badan oo ah gantaallada Ballistic-ga iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu yiri: “Ciidamada badda, kuwa gantaalaha, iyo kuwa cirka ee aan duuliyaha lahayn ee xoogga dalka Yemen, waxay qaadeen howlgal milateri oo ay si wadajir ah u fuliyeen oo bartilmaameedsaday markab Mareykan ah oo taageero siin jiray Ciidamada Sahyuuniyadda. Howlgalku wuxuu ahaa mid jawaab celin u ahaa weerarkii ciidamadeenna lagu xasuuqay.”

Dhaqdhaqaaqa ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidamadooda aysan ka waaban doonin inay si habboon ula macaamilaan dhammaan hanjabaadaha uga imaanaya Maraykanka, iyaga oo leh:

“Ciidamadeena waxay ka hortagi doonaan maraakiibta Israel in ay maraan Badda Carabta iyo Badda Cas ilaa ay ka joojiyaan duulaanka oo ay qaadaan go'doominta lagu hayo walaalaheenna ku nool marinka Gaza.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM