Xuutiyiinta oo markab Ingiriiska laga leeyaahay u afduubtay Qasa awgeed

Image

SANAA (GO) - Israa’iil ayaa xaqiijisay in kooxda Xuutiyiinta ay gacanta ku dhigeen markab xamuul, oo ay sheegeen in laga leeyahay Ingiriiska iyo Jabbaan, kuna sugneedleeyahay koonfurta Badda Cas, iyagoo ku tilmaamay dhacdadan “fal argagixiso oo ay ka dambeyso Iran” kaas oo saameyn ku yeelan doonta ammaanka baddaha caalamiga ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay in markab la afduubtay, iyadoo aan la sheegin magaciisa.

Xafiiska Netanyahu ayaa intaa ku daray: "Ma jirin wax Israa'iili ah oo saarna markabka," isaga oo sharxaya in Israa'iil aysan ka qayb ahayn lahaanshiyaha ama hawlgalka markabka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri, “Tani waa fal argagixiso oo ka dhigan kor u kaca gardarrada Iran ee ka dhanka ah muwaadiniinta dunida xorta ah, waxaanay saamayn caalami ah ku leedahay ammaanka marinnada maraakiibta caalamiga ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM