Xuutiyiinta oo Markab ku weeraray marinka Babul-Mandab

Image
Mareykanka ayaa sheegay in markabka laga soo weeraray deegaan ay maamulaan Xuutiyiinta.

SANA’A (GO) - Markab nooca xamuulka qaada ah oo u badan Shidaal iyo Kiimikada oo marayay Marinka Bab al-Mandab ee xeebaha dalka Yemen, ayaa lagu weeraray gantaal lagu sheegay nooca lidka maraakiibta (ASCM).

War kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markabka laga soo weeraray deegaan ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii markabka, waxaana lagu guuleystay in la damiyo dabkii markabka qabsaday, sida uu sheegay agaasimaha guud ee markabka “Geir Belsnes”.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday maraakiibta ku sugan badda cas, waxayna sidoo kale weeraro gantaallo ah ku qaadeen Israa’iil, iyagoo ku hanjabay inay beegsan doonaan markab kasta oo ay u arkaan inuu u socdo ama ka soo socdo Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM