Xuutiyiinta Yemen oo shaaciyey xabbad joojin deg-deg ah

Image
Xabad-joojintu ayaa kusoo beegantay sannad-guuradii toddobaad ee xulafada Sacuudiga horkacayo.

SANCA, Yemen – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin saddex maalmood ah, waxayna ku gacan sayrtay rajada laga qabo xabbad-joojin "joogto ah" haddii xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay sii wadayaan howlgalada ay ka wadan dalkaan Saboolka ah.

Hadalkan ayaa yimid maalin kadib markii mowjado diyaaradeed iyo weeraro gantaallo ah ay ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaala Sacuudiga oo dhan, oo ay ku jirto warshad saliideed oo u dhow Formula One ee Jeddah, taasoo dhalisay gubasho xooggan.

Sabtidii, ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay ka fuliyeen Sanca iyo Xudeydah.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka Isbaheysiga uu ku dhacay Warshad Korontada, Kaalin Shidaal iyo Xafiiska Caymiska Bulshada ee Dowladda ay ku leedahay Caasimadda.

Ka dib, hoggaamiyaha siyaasadda Xuutiyiinta Mahdi al-Mashat ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dhammaan tallaabooyinka militariga muddo saddex maalmood ah.

"Tani waa martiqaad daacad ah iyo tillaabooyin wax ku ool ah oo dib loogu dhisayo kalsoonida dhammaan dhinacyada ka socda saaxadda wadahadalka," al-Mashat ayaa ku sheegay shir jaraa’id.

"Waxaanna diyaar u nahay inaan ku dhawaaqno go'aan kama dambeys ah oo joogto ah haddii ay dhacdo in Sacuudi Carabiya ay go'aansato soo afjarida go'doominta iyo joojinta duullaanka ay ku hayso Yemen mar iyo dhammaan," ayuu raaciyay.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Sacuudiga.

Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay sannad-guuradii toddobaad ee ka soo wareegtay markii xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ay faragelin ku sameeyeen dawladda Yemen, ka dib markii Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay qabsadeen caasimadda Sanca sannadkii 2014-kii.

Colaadda ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof oo u badan dad rayid ah, waxaana malaayiin qof ay wajaheen gaajo iyo cudurro.

Sabtidii, Isbahaysigu wuxuu kaloo Xuutiyiinta u qabtay muddo saddex saacadood ah inay hubka ugala baxaan garoonka diyaaradaha ee Sanca iyo laba dekedood oo ku yaalla Badda Cas, sida uu sheegay TV-ga Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, iyadoo aan la cayimin wakhtiga uu ku ekaan doono waqtiga kama dambaysta ah.

Xiisadan ayaa timid iyadoo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) uu qorsheynayo inuu martigeliyo dhinacyada isku haya wada-hadallada dhammaadka bishan.

Xuutiyiinta ayaa diiday caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu ku yaallo xafiiska guud ee GCC, inay noqoto goob lagu wadahadlo, iyagoo sheegay inaysan wax wada xaajood ah ka sameyn doonin "wadamada cadowga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM