Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay ka aargudan doonaan Maraykanka

Image
Afhayeenku ayaa ku nuuxnuuxsaday in joogitaanka Mareykanka ee gobolka uu yahay sharci-darro ah.

San’aa (GO) - Guddoomiye ku xigeenka maamulka warbaahinta Xuutiyiinta, Nasr al-Diin Amer, ayaa sheegay in saldhigga ay Mareykanka beegsadeen saakay uu ahaa mid aan shaqeynin, iyadoo ay taasi jirto, Nasr al-Diin ayaa sheegay in weerarka uu ka dhigan yahay xad-gudub lagu sameeyay madax-bannaanida Yemen.

Nasr al-Diin ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka, "Ma ogolaan doono in Mareykanka ay soo galaan dalkeenna, dhawaanna jawaab ayaan ka bixin doonnaa,".

Waxaa uu intaas raaciyay: “Saldhigga uu Mareykanku bartilmaansaday subaxnimadii maanta wuxuu ahaa mid aan shaqeynin, marka weerarkaas wax saamayn ah kama dhalan”.

Afhayeenku ayaa ku nuuxnuuxsaday in joogitaanka Mareykanka ee gobolka uu yahay sharci-darro, isla markaana alabaabada u fureysa in la beegsado maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan gobolka.”

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay duqaymo ka fuliyeen goob ay xuutiyiinta Yemen isticmaalaan, balse sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in duqaymahan cusub ay aad u baaxad yar yihiin markii loo eego kuwii habeen hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM