Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay ka aargudan doonaan Maraykanka

Image
Afhayeenku ayaa ku nuuxnuuxsaday in joogitaanka Mareykanka ee gobolka uu yahay sharci-darro ah.

San’aa (GO) - Guddoomiye ku xigeenka maamulka warbaahinta Xuutiyiinta, Nasr al-Diin Amer, ayaa sheegay in saldhigga ay Mareykanka beegsadeen saakay uu ahaa mid aan shaqeynin, iyadoo ay taasi jirto, Nasr al-Diin ayaa sheegay in weerarka uu ka dhigan yahay xad-gudub lagu sameeyay madax-bannaanida Yemen.

Nasr al-Diin ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka, "Ma ogolaan doono in Mareykanka ay soo galaan dalkeenna, dhawaanna jawaab ayaan ka bixin doonnaa,".

Waxaa uu intaas raaciyay: “Saldhigga uu Mareykanku bartilmaansaday subaxnimadii maanta wuxuu ahaa mid aan shaqeynin, marka weerarkaas wax saamayn ah kama dhalan”.

Afhayeenku ayaa ku nuuxnuuxsaday in joogitaanka Mareykanka ee gobolka uu yahay sharci-darro, isla markaana alabaabada u fureysa in la beegsado maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan gobolka.”

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay duqaymo ka fuliyeen goob ay xuutiyiinta Yemen isticmaalaan, balse sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in duqaymahan cusub ay aad u baaxad yar yihiin markii loo eego kuwii habeen hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM