Yahuuda oo 24-saac gudahooda ku dishay 700 qof Falastiiniyiin ah

Image
Deegaameynta ay Yahuuda ka wadaan Qudus ayaa waxay kamid tahay sababaha horseeday isku-dhacyadda.

DOOXA, Qadar - Xafiiska warfaafinta Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa ku waramaya in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay galaaftay nolosha in ka badan 700 oo qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.

"Dugsiga barakeysan" ee Gaza oo gabbaad u ahaa shakhsiyaadka soo barakacay ayaa noqday mid ka mid ah bartilmaameedyada weerarrada arxan darada ah ee Israel ka wado magaalada.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay amartay in la dumiyo dhisme ku yaalla xaafadda Al-Sawana ee la haysto ee Bariga Quddus oo uu deggan yahay Sheekh Ikrimah Sabri oo ah wadaadka Masjidka Al Aqsa iyo qoysas kale.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale waxa ay xabsiga u taxaabeen 21 Falastiini ah, taasi oo sii hurinaysa qalalaasaha isla markaana horseeday walaac laga qabo in dagaalka uu sii faafo.

Dhacdo kale, dad Yuhuud ah oo si sharci-darro ah k u daganaa Gazaayaa weerar xooggan ku qaaday tuulada Ummu Safa, halkaas oo ay ku burburiyeen daraasiin baabuur iyo hanti Falastiiniyiin ah.

Deegaameynta ay Yahuuda ka wadaan Qudus ayaa waxay kamid tahay sababaha horseeday isku-dhacyadda hubeysan ee ay hormuudka ka tahay Xamaas taasoo Israa'iil u aragto argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bill Gates oo qorsheynaya inuu si degdeg ah ku bixiyo hantidiisa 20-ka sano ee soo socota

Gates Foundation ayaa la qorsheynayaa in albaabada la isugu laabo marka la gaaro 31-ka….

  • Caalamka

    09-05-2025

  • 08:01AM

Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

  • Caalamka

    07-05-2025

  • 01:27PM