Yahuuda oo duqeyn la beegsatay xero barakac ku laysay rayid

Image
Ugu yaraan labo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarka.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan labo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsadeen xerada qaxootiga ee Balata ee bariga Nablus ee daanta galbeed ee woqooyiga la haysto.

"Labo falastiiniyiin ah ayaa la dilay 28 kalena waa la dhaawacay, oo ay ku jiraan saddex dhaawacoodu culus yahay, sababo la xiriira duullaanka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Balata ee waqooyiga daanta galbeed," ayay hay’adda bisha cas ee Falastiin ku sheegtay bayaan.

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa lala beegsaday koox muwaadiniin ah oo ku sugnaa xaafadda al-Jamasin ee xerada qaxootiga ee Balata, ee bariga magaalada Nablus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM