Yurub oo ku laabatay maalmihii "ugu madoobaa taariikhda"

Image
Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa dhawaqa rasaasta dib u xasuusiyey dadyowga qaaradda.

KYIV, Yukreen - Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku eedeeyay Putin “in uu Yurub galiyay waqtigeedii ugu madoobaa” tan iyo bilowgii dagaalkii labaad ee aduunka sanadkii 1939-kii, wuxuuna ku booriyay xulafada Kyiv in ay si degdeg ah cunaqabatayn ugu soo rogaan Ruushka.

“Dawlad kasta oo rajaynaysa in ay meeshan fadhiisato waa caqli-xumo. Ha ku celin khaladaadkii hore,” ayuu ku soo qoray Twitter-ka. "Ku dhufo Ruushka cunaqabatayn adag hadda. Ka caawi Ukraine taageero militari iyo mid maaliyadeed. Si wadajir ah ayaan u joojin karnaa gardaradda Ruushka".

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay burburiyeen 74 xarumood oo kaabayaal milatari oo dhulka sare ah oo ku yaal Ukraine Khamiistii, oo ay ku jiraan 11 diyaaradood, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee RIA Novosti ee dalka.

Duqa magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Yukreen ayaa amar ku bixiyay in bandow lagu soo rogo magaala madaxda taasoo jawaab u ah weerarka Ruushka.

Go'aanka Vitali Klitschko ayaa yimid ka dib markii muuqaalo la soo bandhigay ay muujinayaan dad badan oo magaalada deggan oo isku dayaya in ay baabuur ku baxsadaan, iyaga oo ku xiray jidadkeeda ugu muhiimsan ee ay ka baxaan.

Ra'iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa ku tilmaamay Putin inuu yahay kaligii taliye, wuxuuna uga digay Moscow inay hadda wajihi doonto "cunaqabatayn ballaaran" oo reer galbeedka ugu soo rogaan duulaanka Ukraine.

"Ma awoodno mana eegi doono oo kaliya," Johnson ayaa ku yiri khudbad telefishan laga sii daayay oo uu qaranka u jeediyay, ka dib markii uu wadahadal taleefan kula yeeshay Zelenskyy.

Hogaamiyaha Boqortooyada Ingiriiska ayaa intaa ku daray in quwadaha reer galbeedka ay u dhaqaaqi doonaan soo saarista "xirmo ballaaran oo cunaqabateyn dhaqaale ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo dhaqaalaha Ruushka".

"Si taas loo gaaro, waa inaan sidoo kale si wadajir ah u joojinaa ku tiirsanaanta saliidda iyo gaasta Ruushka oo muddo dheer siisay Putin inuu qabsado siyaasadda reer galbeedka," Johnson ayaa yidhi.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiisku uu garab istaagi doono dhanka Ukraine, wuxuuna ka digay in duulaanka Ruushka ee deriskooda uu cawaaqib waara oo "qoto dheer" u yeelan doono qaaradda Yurub. "Waxaan kaga jawaabi doonnaa daciifnimo la’aan falkan dagaal," ayuu carabka ku adkeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM