Yurub oo u xusul duubaysa illo cusub oo gaas ah

Image

LONDON United Kingdom - Dalalka Midoowga Yurub ayaa si qamaam ah ugu kala loolamaya helista illo cusub oo tamar ah kadib markii dowladda Ruushka ay xiratay dhuumihii gaaska.

Shirkadda Total ee Faransiiska ayaa qandaraas la saxiixatay dowladda Qatar, kaas oo ku fadhiya $1.5 bilyan doolar oo lagu soo saarayo gaaska dabiiciga ah.

Sida uu heshiiska dhigayo , shirkadda Total ayaa qaadanaysa boqolkiiba %9 gaaska laga soo saaro mashruuca North Field South ee Qatar.

Isla mashruucani waxaa maalgashi ku sameeyay shirkadda Shell ee Ingiriiska, tan ENI ee Talyaaniga iyo tan Conoco ee Maraykanka.

Dowladda Jarmalka ayaa iyaduna wadahadalo la wadda Qatar sidii gaaska ay wax uga heli lahayd.

Sida ay sheegtay shirkadda Qatar Energy, bugcaddan South Field ayaa waxaa ku jira 10% gaaska dabiiciga ee adduunka.

Dhulkan badda hoostiisa ah ayaa u taloowsan illaa dhul-badeedka Iran, balse Iran uma suurtogalin in ay soo saarato sababo la xiriira cunaqabataynta saaran awgeed.

Dalalka Yurub ayaa sahan u tagay dalal badan oo Afrika ka mid ah, waxaana xitaa la hadal hayaa in mashruuca gaaska ee Soomaaliya uu markani yeelan doono xiiso iyo danayn cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM