Dadka Scotland oo afti laga qaadayo

Image


Sept 18, 2014 (Garowe Online)- Afti taariikhi ah ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacaysa Scotland oo ah gobol ka tirsan dalka Ingiriiska. Dadka Scottish-ka ahi  waxay go'aan ka gaarayaan inay Ingiriiska kasii mid ahaadaan iyo in Scotland ay noqoto dal madax bannaan.

Waxaa is diiwaan geliyey si ay codkooda u dhiibtaan dad ka badan 4.2 milyan oo qof, tiradaasoo u dhiganta 97% dadka Scottish-ka ah ee waqooyiga Ingiriiska ku nool.

Dadka waxaa la weydiinayaa hal su'aal oo la doonayo inay kaga jawaabaan "Haa" ama "Maya" su'aashaasina waa "Scotland ma noqon kartaa dal madax bannaan?"

Codbixinta ayaa socon doonta laga bilaabo 7:00 subaxnimo ilaa 22:00 fiidnimo waqtiga Ingiriiska (GMT), goobaha cod bixintu waa 2,608, natiijadana waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo berri oo Jimce ah.

Saadaal maalmo kahor la sameeyey, waxaa lagu ogaaday in 52% dadka Ingiriisku ay doonayaan Scotland inay kasii mid ahaato Boqortooyada England halka 42% ay u codeeyeen inay go'do.


Maxaa dhacaya haddii Scotland ka go'do Ingiriiska?

Dhulka Scotland waa saddex meelood hal meel bedka guud ee Jaziiradda England, saameynta koowaad ee madax bannaanida Scotland ay Ingiriiska ku yeelan kartana waxay noqonaysaa inuu waayo dhul baaxad leh.

Ingiriisku wuxuu kamid yahay saddexda dal ee hoggaamiya dhaqaalaha iyo ganacsiga Yurub, dalalkaas oo kala ah: Ingiriiska, Jarmalaka iyo Faransiiska. Haddii Scotland -oo khayraad badan hodon ku ahi- ay go'do, ingiriisku wuxuu usoo dhacayaa kaalinta afraad waxaana booskiisa ciriirsan doona Talyaaniga.

Waxaa hoos u dhacaysa awooddii uu Ingiriisku ku dhex lahaa Midowga Yurub marka ay timaado go'aan qaadashadu, maadaama ay yaraan doonto tirada xildhibaannada ugu jira Baarlammaanka Yurub. Si taas lamid ah waxaa is dhimi doonta tirada dadka Ingiriiska oo 8% ay Scottish yihiin.

Scotland oo ku biirtay Boqortooyada Midowday ee England 307 san kahor, waxay dadkeedu gaarayaan 5 milyan oo qof. Horay Ingiriiska sanadkii 1916 waxaa sidan oo kale madax bannaanideeda uga qaadatay Ireland-ta Koonfureed.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM