Xiliga la dhageysanayo kiiska badda ee Soomaaliya-Kenya oo la mudeeyay

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadaaladda Dunida ayaa shaacisay taariikhda ay mar kale la dhageysanayo dacwadda muran xuduud baddeedka ee ka dhaxeysa dowladdaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xeer-beegtada caalamka, waxaa gal-dacwadeedkaasi laga doodi doonaa 9-ka ilaa iyo 13-ka bisha September ee sanadkan 2019 kuna teegan Isniin iyo Jimco.

Iyadda oo dacwadda ay heer gabagabo ah ay mareyso, qareenada laba dhinac ayaa la filayaa in fadhigaasi ay la yimaadan difaacooda, waxaana gar-maqalka ay goobjoog ka noqonayaan dadweyne iyo saxaafada.

Bayaanka ayaa nan lagu bidhaamin waqtiga lagu dhawaaqi doono xukunka kama dambeysta ah ee ay maxkamaddu ku rideyso kiiskan, taasi oo ah waxa sida weyn loo dhowrayo.

Kiiskan oo soo bilowday 2014-kii waqtigaasi oo ay dowlada federaalka Soomaaliya gudbisay ayaa salka ku haya goob lagu qiyaasay 100-kilometer oo hodan ku ah kheyraad ayna labada dal isku haystaan.

Mudeynta taariikhda mar kale la dhageysanayo kiiskan ayaa waxa uu imaanayaan iyadda oo xukuumada Nairobi ay bilihii lasoo dhaafey kordhisay rabitaankeeda ku aadan in laga laabto dacwada, is-afgaradna laga gaaro.

Xukuumada Muqdisho oo dalabkaasi ku gacan-seyrtay ayaa la kulantay cadaadis diblumaasiyadeed kaasi oo hadafkiisa lagu sheegay in culeys lagu saaro sidii ay miiska wada xaajoodka u imaan lahayd.

Axmed Cali Daahir, xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, oo mar wax laga waydiiyey rajada uu qaranka ka qabo in uu labinta helo ayaa ku sifeeyay "mid biyo kama dhib-caan ah" wallow uusan meesha ka saarin "isbedel imaan kara".

Dacwadan ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay cilaaqaadka labada wadan kuwaasi oo la daalaadhacaya adkeynta amniga iyo weeraro ka yimaada xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka ku dhowaad 10 Al-Shabaab ah

Afar maleeshiyo ayaa lagu dilay Cali Helle, halka shan kalena lagu dilay deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

  • Wararka

    16-05-2024

  • 03:50AM

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Ceel-waaq-Kenya

Qaraxa ayaa lala beegsaday shaqaale sugayay fursado shaqo subaxnimadii hore ee Isniinta.

  • Wararka

    30-04-2024

  • 04:29AM