Kenya oo baahisey sawirrada xubno Al-shabab ah oo la raadinayo

Image

July 8, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada lix nin oo la raadinayo kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shbaab.

Laanta Sirdoonka iyo La-dagaalanka Argagixisda ee Kenya (ATPU) ayaa shalay oo Talaado ahayd baahisey sawirrada nimankan, waxaana ciddii soo gudbisa macluumaad sahlaya qabashadooda loo ballan qaadey abaal-marin lacageed.

ATPU ayaa sheegtay in nimankan la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan magaalooyinka waaweyn ee Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, balse laamaha ammaanku ku daba joogaan.

Dadka wax falanqeeya ayaa ku doodaya in sawirrada la shaaciyey laga soo jaray muuqaal video ah oo ciidamada Kenya ka heleen jeebka sawir-qaadihii Al-shabab ee lagu diley hawlgalkii bil kahor ciidamada Kenya ka fuliyeen jaziiradda Lamu.

Waa markii labaad muddo labilood gudahood ah ee dowladda Kenya ay shaaciso sawirrada xubno Al-shabab ka tirsan oo u dhashay dalka kenya, islamarkaana abaal-marin lacageed u ballan qaado cidii soo gudbisa xog raggaas ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM