"Ma jirto shaqo aan ku bedellanayo tan gubitaanka meydadka"

Image

NIAROBI, Kenya – Shaqo la’aanta aad ayey ugu sii kordheysaa dunida oo dhan. Marka si gaar ah loo eego Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka dadka wax bartay ee aaney helin fursadaha shaqada ay u qalmaan.

Inkasta shaqooyinka ay yihiin kuwa dadka qiimo u kala yeelaan, haddana hadafka ugu weyn ee laga leeyahay ayaa ah in qofku ka helo lacag uu qofka ku maareeyo nolosha reerkiisa iyo tiisa shaqsi ahaan.

Iyadda oo ay tani jirto waxaa la arkayaa dad ku nool daafaha caalamka, kuwaasi oo qabta shaqooyin layaab oo marka ay dadka qaarkii ay aad ula fajacaan balse kuwa ku howlan ay ku qanacsan yihiin.

Dadkaasi waxaa kamid ah Nderitu Maina oo ka xamaashta gubida meydadka dadka taasi oo ah dhaqan ka jirta dalalka qaar si gaar ah dadka aaminsan diimaha Masiixiga haba ugu badnaadeen kuwa Hinduuga ah.

Ninkan oo u dhashay dalka Kenya ayaa wuxuu sheegayaa in aad ugu faraxsan yahay howshaan uu hayo isla markaana uu iska diiday shaqooyin kale oo ka lacag badan oo uu fursad u helo in uu qabto.

"Shaqdeenu waa saddex qeybood. Mar aan aaseyno, mar aan gubeyno iyo mid aan soo saareyno meydadka," ayuu u sheegay wargeyska The Star ee kasoo baxa waddanka Kenya, kana mida kuwa ugu afka dheer.

Gubitaanka meydadka oo lacag lagu bixiyo ayaa haddana waxay ku kala badan yihiin qiimaha tusaale ahaan; qofka qaangaarka ah waxaa lagu gubayaa 163 dollar xili dhalaanka uu yahay 124 dollar.

"Sanbabada iyo wadnaha waa kuwa gubitaankooda uu waqti badan qaadanayo," ayuu hadalkiisa ku daray ninkan, isaga oo raaciyey "Ma jirto shaqo kale oo aan doorbidayo in laygu bedalo".

Sikastaba ha ahaatee, Nderitu Maina ayaa shaqadan waxa uu bilaabay sagaal sano kahor, isaga oo ku dhiirogeliyey dhalinyaradda iyo dadka kale in ay shaqeystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM