Madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee Muqdisho oo dil lagu xukumay

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Ciidamadda Puntland ayaa dil toogasho ku ridday nin ay sheegtay in uu qirtay in uu ahaa Madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ayuub Nuur Nuux, ina Hooyo Sahro Siyaad Abuukar, 23-jir, ku dhashay magaala madaxda waddanka Soomaaliya, ayaa wuxuu dhowaan kasoo laabtay dalka Sacuudiga, sidda uu u sheegay baareyaasha.

Sidda ay ka dhawaajiyeen garsooreyaasha, Nuux ayaa looga yeeray Goboladda Dhexe, si uu dib ugu laabto howlgaladiisa Amniyaatka ee uu u hayay xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Geesta kale, maxkamadda ayaa waxay dil toogasho ay ku xukuntay Maxamed Xasan oo lagu soo eedeeyay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhigitaanka Miinooyinka gobolka Bari.

Xasan ayaa la tilmaamay in laga soo qabtay Buuraleyda Cal-madow ee gobolka Bari, kadib dagaal dhex-maray dabley shan ah oo uu la socday iyo ciidamada. Wuxuuna ku dhaawacmay iska hor-imaadkaasi.

Xukunsanaha oo 18-sano jir ah kaasoo baxbaano helay kadib dhaawaca soo gaarey ayaa wuxuu ku dhashay tuuladda Jeelow ee koonfurta Soomaaliya.

Shugri Xuseen Axmed, 23-jir ku dhahsay Dharkeyn Urur, kasoo dhowaan kasoo laabtay magaaladda Jilib, loona soo bedelay buuraleyda Cal-madow kana tirsanaa Shabaab ayaa garka loo geliyay xabsi daa’in.

Dhinaca kale, Bishaar Maxamed Xasan Dalmar, 23-jir, ku dhashay Roobow, kaasi oo ay ku cadaatey in uu kamid ahaa Amniyaatka Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho.

Dalmar oo horey uga soo barbar-dagaalamay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah in uu ka dambeeyay qaraxyadii lagu weeraray shirkadaha Somtel, Amal, National iyo dilal qorsheysan.

Dhanka kale, Aadan Isaaq Aadan, 37-jir, ku dhashay degaanka Ufurow ayaa xorriyadiisa loo celiyay ka gedaal markii lagu waayey wax dambi ah oo ku aadan eedeymaha culus ee loo jeediyay.

"Dhamaan raggan xukunka ku dhacay, waxay haystaa muddo bil ah oo ay Racfaan uga qaadan karaan xukunka," ayuu yiri Gaashaanle Cawil Axmed Faarax, oo ka tirsan garsooreyaasha Maxkamadda Ciidamada Puntland.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Ceel-waaq-Kenya

Qaraxa ayaa lala beegsaday shaqaale sugayay fursado shaqo subaxnimadii hore ee Isniinta.

  • Wararka

    30-04-2024

  • 04:29AM

Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyaddan ka dhasheen baco lagu soo qariyay walxo qarxa.

  • Wararka

    28-04-2024

  • 04:13AM