Madaxweyne: Mareykanka iyo Shiinaha wey iska maseyrayaan
PRETORIA, South Africa – Madaxweynaha waddanka Koonfur Afrika ayaa Jimcadii sheegay in dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ay iska maseyrayaan.
Cyril Ramaphosa ayaa wuxuu si cad u tibaaxay in dagaalka ganacsi ee labadan quwadood ka dhaxeeyay uu ka dhashay maseyrkaasi.
Hogaamiyaha dalkaasi dhaca koonfurta qaarada Afrika ayaa wuxuu xusay in uusan dooneyn in dhaqaalaha dalkiisa uu dib u dhigo arrintaasi.
Hadalkan ayuu Cyril Ramaphosa ka sheegay Shirka Ganacsiga Casriga ah, halkaasi oo qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka ay joogeen.
"Kahor inta aan ka qeybgelin shirka G20 shirkado maxali ah baa iga codsadey in aan farogeliyo dagaalka," ayuu yiri, isaga oo aanan magacaabin shirkadaha.
Wuxuu intaasi raaciyey: "Kama fogaan karno in aan haysano dhaqaalaheena oo uusan dib u dhac ku imaanin xili uu jiro dagaalka ay waddo Mareykanka ee ka dhashay maseyrkooda".
Mr Ramaphosa ayaa daboolka ka qaadey in shirkadaha ay muujiyeen walaac maadaama ay ganacsi la leeyihiin dhigooda Shiinaha si gaar ah Huawei taasi oo xudun u noqotay dagaalka ganacsi ee labada waddan.
"Waxay dhaheen, madaxweyne maadaama aynu dooneyno in aan u guurno 5G kaliyana arrintaasi ay fulin karto shirkada Huawei oo uu Mareykanku canaadayo waxay na dhaawaceysaa," ayuu daba dhigay.
Huawei ayaa noqotay aalada dagaalka ganacsiga inkasta oo madaxweyne Donald Trump uu ogolaadey dhowaan in uu cadaadiska ka qafiifiyo markii uu dhigiisa China, Xi Jinping uu kula kulmay shir madaxeedka.
Bishii May, shirkada ayaa lagu daray liiska shirkadaha Ameerikaanka aysan la macaamili karin ogolaanshiyo la’aan, iyadda oo sabab looga dhigay danaha ammaanka qarranka Mareykanka.
GAROWE ONLINE