Mahad Salaad: DF kama bixin heshiiskii ay la gashay Ahlusuna

Image

January 19, 2015 (GO)- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inaysan ka bixin heshiiskii ay horay ula gashay Ahlusuna Waljamaaca.

Sii hayaha  xilka ku-xigeenka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo warbaahinta gudaha la hadlay isagoo Dhuusomareeb ku sugan ayaa sheegay in Dawlada Federaalku ilaalinayso heshiiskii labada dhinac wada gaareen sanadkii 2013.

"Heshiiskii 2013 Dowlada Federaalku way tixgelineysaa diyaar bayna u tahay taaba gelinta inta dhiman heshiiskaas, Ahlusuna way ku mahadsan tahay garab istaaga dowladda duruufihii adkaa ee ay soo martay" ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad.

Dhamaadkii sanadkii tgay ee 2014 ayaa khilaaf soo kala dhexgalay Dawlada Soomaaliya iyo garab ka tirsan Ahlusuna, khilaafkaas oo sababay gacan ka hadal khasaare dhaliyey oo ka dhacay degmda Dhuusomareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Galguduud.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bishii June ee sanadkii 2013 heshiis kula gashay degmada Caabudwaaq, iyadoo Maamulka Ahlusuna uu horay ugu eedeeyey dowladda inay heshiiskaas baal martey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM