Mahad Salaad: DF kama bixin heshiiskii ay la gashay Ahlusuna

Image

January 19, 2015 (GO)- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inaysan ka bixin heshiiskii ay horay ula gashay Ahlusuna Waljamaaca.

Sii hayaha  xilka ku-xigeenka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo warbaahinta gudaha la hadlay isagoo Dhuusomareeb ku sugan ayaa sheegay in Dawlada Federaalku ilaalinayso heshiiskii labada dhinac wada gaareen sanadkii 2013.

"Heshiiskii 2013 Dowlada Federaalku way tixgelineysaa diyaar bayna u tahay taaba gelinta inta dhiman heshiiskaas, Ahlusuna way ku mahadsan tahay garab istaaga dowladda duruufihii adkaa ee ay soo martay" ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad.

Dhamaadkii sanadkii tgay ee 2014 ayaa khilaaf soo kala dhexgalay Dawlada Soomaaliya iyo garab ka tirsan Ahlusuna, khilaafkaas oo sababay gacan ka hadal khasaare dhaliyey oo ka dhacay degmda Dhuusomareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Galguduud.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bishii June ee sanadkii 2013 heshiis kula gashay degmada Caabudwaaq, iyadoo Maamulka Ahlusuna uu horay ugu eedeeyey dowladda inay heshiiskaas baal martey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM