Nin looga shakisanaa kufsi oo iska hor-imaad lagu khaarijiyey

Image

DHAKA, Bangladesh – Bileyska waddanka Bangladesh ayaa wuxuu shaaciyey in Axadda maanta ah ay soo heleen meydka nin looga shakisanaa fal kufsi ah.

Meydka ayaa waxaa laga soo helay magaaladda Chattogram oo ku taala Koonfur-bari ee wadankaasi dhaca qaaradda balaaran ee Aasiya.

Abdun Nuur, oo 25-jir ahaa, ayaa wuxuu ku eedeysanaa fal kufsi ah oo uu kula kacay gabar yar, xili dacwadiisa loo gudbiyey maxkamadda.

Ciidamada ammaanka ayaa shaaciyey in Nuur uu ku dhintay iska hor-imaad habeenkii Sabtida dhex-maray laba koox uu burcad ah.

Dhibanaha oo 15-jir ah ayaa waxaa Arbacadii faroxumeeyay koox rag ah oo watay Mooto Bajaaj xili ay kasoo laabatay shaq kuna wajahneyd hoygeeda.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in gabadha ay miyir beeshay kadib markii kufsi wadareed loo geystay. Dadka degaanka ayaa Isbitaal u qaadey.

Hay’addaha nabad-gelyadda ayaa tibaaxay in ay labada ruux u soo xireen falkan, iyaga oo balanqaadey in ay cadaaladda horgeyn doonan eedeysaneyaasha.

Sikastaba, tacadiya ka dhanka ah haweenka ayaa aad ugu badan qeybo kamid ah wadamada Aasiya, waxaana sababta ugu badan lagu sheegaa shaqo la’aanta dhalinyaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyaddan ka dhasheen baco lagu soo qariyay walxo qarxa.

  • Wararka

    28-04-2024

  • 04:13AM

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM