Guulihii Ciidamada ee weerarada AS ee duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaarey guushii ugu waynayd muddo bilooyin ah, iyadoo tirakoobyo la sameeyay ay muujinayaan in ay ku dileen in ka badan 120 ka tirsan Al-Shabaab saddex howlgal oo kala duwan kadib markii ay kooxdu isku dayday in ay fariisimo ciidan gudaha u gasho.

Weeraradan oo ahaa kuwa iska daba-joog ah ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland waxa ay ku qaadeen saddex goobood oo kala ah Galbeedka iyo Koonfurta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab Buulo Xaaji, Xarboole iyo Miido. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay rasaas ku furey saldhiga afaraad ee ku yaala deegaanka Baar Sanguuni.

Maxamed Faarax Daahir, Afhayeenka Ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in ku dhawaad ​​135 xubnood oo Al-Shabaab ah ay dileen, 28 kalena ay nolosha ku qabteen.

"Guud ahaan, waxaan dilnay 135, waxaana qabanay 28 kale," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA.

Waxuu sheegayin qasaaraha ugu badan uu ka dhacay Buulo Xaaji, oo dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in khasaaruhu ka duwan yahay kuwii hore. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan weeraradaasi la iska caabiyay islamarkaana lagu dilay in ka badan 80 maleeshiyo ah.

Muuqaalo iyo sawirro la sheegay oo lagu daabacay baraha bulshada ayaa muujinaya tobanaan qof oo meyd ah. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen saldhigyada, waxaana ay sheegeen in weeraradooda ay ku dileen in ka badan 70 askari.

Al-Shabaab ayaa u dagaalamaysa sidii ay u ridi lahayd dowladda Soomaaliya, taas oo si weyn taageero uga heshay daneeyayaasha caalamiga ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka caawinaya ciidamada dowladda sidii ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab guud ahaan daka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo kawada hadlay ammaanka Soomaaliya

Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shir gaar ah waxay ku yeesheen magaaladda Jabuuti.

  • Soomaliya

    21-10-2024

  • 09:44AM

Dowladda Soomaaliya oo ku fashilantay gudbinta warbixin muhiim ah

Warbixintan oo ah waajib daruuri ah ayaa waxay ku saabsan tahay ka hortagga hubka wax gummaadda.

  • Soomaliya

    21-10-2024

  • 06:46AM