Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Image

MUQDISHO – Natiijo ay siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal badan horey u saadaalinayeen ayaa kasoo baxday doorashadii goleyaasha deegaanka ee Galmudug, iyadoo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu helay codadka iyo kuraasta ugu badan.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (NIEBC) ayaa shaaciyay in JSP uu helay 135,247 cod oo ka mid ah 193,451 cod oo ansax ah, taasoo u sahashay inuu ku guuleysto 63 kursi oo ka mid ah 189-ka kursi ee goleyaasha deegaanka. Ururka Towfiiq ayaa galay kaalinta labaad isagoo helay 26,003 cod iyo 12 kursi, halka Sincad uu ku guuleystay lix kursi, Karaamana shan kursi.

Doorashadan ayaa noqotay tii labaad ee nidaamka qof iyo cod ee lagu qabto maamul-goboleed Soomaaliya ka tirsan, waxaana natiijadeeda loo arkayay mid horey loo sii saadaalinayay maadaama xisbiga talada haya uu gacanta ku hayay maamulka iyo habraaca doorashada.

Guusha JSP ayaa sidoo kale la filayaa inay saameyn weyn ku yeelato doorashada madaxtinnimada Galmudug ee soo socota. Siyaasiga Liibaan Shuluq, oo si weyn loogu tiriyo musharraxa ay taageersan tahay Villa Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu noqdo musharraxa ugu cadcad ee xilka Madaxweynaha Galmudug, inkastoo aan weli si rasmi ah loo dooran.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada, iyagoo su'aal geliyay hufnaanta geeddi-socodka, halka dowladda federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka ay ku adkeysanayaan in doorashadu u dhacday si waafaqsan sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM

Mucaaradka Soomaaliya Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu ka taagan yahay muran la xiriira sharciyadda hay'adaha dowladda.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 08:08PM