​112 qof ajnabi ku jiro oo lagu dilay dagaalka Dhinowda, Mudug

Image

GAROWE- Xukuumadda Puntland ayaa maanta ka hadashay dagaal kasocda deegaanka Dhinowda oo qiyaastii 20KM dhinaca Koonfureed ka xiga tuulada Garacad ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo howlgalkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dagaalku socdo islamarkaana la isweydaarsanayo xabado goos goos ah, wuxuuna intaasi raaciyay in mallayshiyaadkaasi hubaysan laga dilay 112 halka gacanta lagu dhigay 63 ruux.

Soocade, ayaa xusay in khasaaruhu sii badan karo maadama dagaalku weli socdo.

Dadka dhintay waxaa dowladda Puntland sheegtay inuu ku jiro nin ajnabi ah, kaasi oo xukuumaddu cadaysay inay baaritaan ku samayn doonto si loo ogaado halka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Dhinaca kale waxaa dowladdu ka hadashay dagaalka Suuj iyagoo xaqiijiyay tirsada dhimashada iyo maxaabiista la qabtay, waxayna tilmaameen in lagu dilay 55 mallayshiyo islamarkaana lagu qabtay 43.

Wuxuu tilmaamay in la tuhunsanyahay koox yar oo qiyaastii 10 qof ka badnayn oo dhaawac ah inay ku dhuumaalaysanayaan deegaanka Suuj, wuxuuna xusay inaysan lahayn samayn weyn, isagoo ugu baaqay inay isa soo dhiibaan.

Dowladda, ayaa shacabka Somaliyeed ugu baaqday inay u istaagaan qaabkii loola dagaallami lahaa mallayshidaasi aan u naxariisanayn qofna.

Isku darka mallayshiyaadka la dilay iyo kuwa la qabtay ayaa xukuumaddu cadaysay inay yihiin 271 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM