​15 qof lala xiriirinayo Shabaab oo Garowe lagu qabtay

Image

GAROWE- Sida uu cadeeyay taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal, waxaa magalada Garowe caasumadda Puntland lagu soo qabtay 15 qof oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Shabaab kadib markii lagusoo qabtay dareyska ciidamada.

Ragga lasoo qabtay ayaa dhammaantood daganaa hal guri, iyadoo baydkaasi la wareegeen ciidamada ammaanka, waxayna u cuskadeen go'aamo horay loo soo saaray kuwaasoo bulshada farayay inay iska hubiyaan shakhsiyaadka guryaha laga kiraynayo.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Farax, oo la hadlay Radio Garowe ayaa tilmaamay in shakhsiyaadka lasoo qabtay baaritaan lagu samayn doono islamarkaana aysan qofna ku tacadiyayn ee ruux walba heli doono wixii baaritaankaasi kasoo baxa.

Taliyuhu wuxuu ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay bulshada casumadda oo ku bogaadiyay qaabka ula shaqeynayaan ciidamada saacad walba ku howllan sugidda nabad galyada Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada ammaanku qabtaan dad la xiriirinayo Shabaab, balse waxaa la xoojiyay howlgallada laga samaynayo magaalooyinka waaweyn ee Puntland wixii ka dambeeyay dagaalkii lagu jabiyay mallayshiyaadkii ka tirsanaa kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM