150 arday oo dhamaystay farsamada xirfadaha gacangta

Image
Image
Image
Image

GAROWE 16 May, 2015 ( GO)- Dusiga Farsamada gacanta Garowe( GVTC) ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad qallin jabin ah oo 150 dhallinyaro ah ku dhamaysteen 7 xirfadood kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dayactirka gaadiidka, korontada, maamulka hotelada, ganacsiga,computerka, cunno karinta iyo kuwo kale.

Qalan Jabinta ayaa waxaa ka soo qayb galay wasaarado ay ka mid ahayd wasaarada Waxbarashada qaybteeda farsamada gacanta,waalidiin, hay'adaha UNICEF, WFP Iyo Hay'ada NRC oo fulinaysay mashruucan.

Agaasimaha waaxda mashaariicda farsamada gacanta wasaarada waxbarshada Puntlanad Cabdinaasir Xirsi ayaa dhalinyarada bartay xirfadaha kala duwan u sheegay inay ku shaqaystaan si aysan u ilaawin.

Xuseen Xaaji maamule ku xigeenka dugsiga farsamada gacanta ayaa tilmaamay inay nasiib darro tahay dhallinyardo inaysan baran oo xooga saarrin inta badan  xirfadaha wadanka yaala.

Hay'adii fududaysay barnaamijkan NRC ayaa sheegtay hawshan in looga dan leeyahay dhallinta in shaqo abuur loo sameeyo.

Ardaydaan oo iusugu jiray wiilal iyo gabdho  ayaa codsaday inaan looga harrin inta la baray oo kali ah balse  laga sii taageero waxa ay soo barteen laguna maalgaliyo si shaqada ay barteen u ilaawin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM