150 ardey oo ka qalin jebiyey Jaamacadda PSU Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

March 30, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday wax ka baratay Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe.

Ardayda xafladda loo qabtey oo ka koobnaa shan qaybood waxay tiradoodu gaareysey 105-arday oo isugu jira 76 wiil iyo 29 gabdhood.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, maamulka gobolka Nugaal, maamulka jaamacadda PSU, Waxgarad, waalidiin, aqoonyahano, mas'uuliyiin kala duwan iyo ardeyda Jaamacadda ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda.

Madaxweynaha Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardeyda ka qalin jebisay Jaamacadda PSU wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan dedaalkooda waxbarsho si ay dalka iyo dadkaba ugaga faa'iideeyaan waxa ay barteen.

"waxaad tusaale fiican u tihiin in badan oo kale oo Puntland joogta, reerkiina u tihiin Puntland iyo Soomaaliya oo idil ayaad u tihiin, taasaan rabaa inaan markale idinkugu hambalyeeyo" ayuu yiri.

Ardayda qalinjebisay ayuu Madaxweynuhu kula dardaarmay inaysan dalkooda ka tahriibin, waxana uu ku dhiirigeliyey inay dalkooda iimaansadaan ugana faa'iideeyaan dadkooda iyo dalkooda aqoonta ay barteen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey dhammaan ardayda qalinjabisay, dhinaca kale maamulka jaamacadda iyo ardayda jaamacada ayaa waxay  bilad sharaf gudoonsiiyeen MadaxweynahA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM