159 Arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda PSU [Sawirro}

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta Xaflad Qalin Jabin ah loo qabtay Arday ka baxday Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU faraceed magaalada Garowe, kuwaasoo gaarayay 159 Arday oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

Ardaydan ayaa baratay Culuum kala duwan oo isugu jiray; Dhaqaala, Ganacsiga, Caafimaadka, Cilmiga Tignoolajiyada, Sharciga iyo maamulka dowliga ah, kuwaasoo ay dhiganayeen sannadihii u dhaxeeyay 2012 iyo 2016.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Xildhibaano, Wasiirro, Maamulka Jaamacadda PSU, Walidiin, ganacsato iyo Marti Sharaf kale ayaa ka qayb galay Xafladda ay dhigteen Ardaydaas.

Maamule ku-xigeenka Jaamacadda PSU, Axmed Shire Axmed oo faah faahin ka bixinayay Ardayda Dhammaysatay heerkooda Koowaad ee waxbarashada Jaamacadda ayaa xusay in Ardaydu Qalin Jabinaysa 102 kamid ah ay shaqeeyaan hadda, taasoo ku macneeyay inay ku horeeyaan dhinac sumcadda iyo shaqo helista.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay oo isugu jiray, Waalidiin, Mas'uuliyiin  iyo Ganacsato ayaa soo dhaweeyay guusha ay joogaan Ardaydu, waxayna Hambalyo u direen Arday guusha ka jooga Tacliintii ay soo wadeen Waqtiga dheer.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Abshir aw-Yusuf ayaa sheegay in Qalin jabinta Ardaydan muujinayso heerka waxbarashada iyo sida dhalinyaru dadaalka ugu bixinayaan inay aqoon kororsadaan, isagoo ballan qaaday inay garab taaganyihiin.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi oo Xafladda soo xiray, ayaa sheegay in Ardayda looga baahanyahay sidii ay usii wadan lahaayeen waxbarashada qaybaheeda kala duwan, isagoo ka codsaday cilmiga uga faa'iideeyaan bulshada.

Sannad kasta xilliyadan oo kale waxaa Jaamacadda PSU lagu qabtay Xaflado ay ku qalin jabiyaan arday ka qalin jabisa Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM