17 xarumood oo lagu daweeyo xoolaha oo Puntland laga hirgeliyey

Image

May 11, 2015 (GO)- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa hirgelisey goobo loogu talo galay in lagu daweeyo xoolaha oo loogu talo galay in dadka xoola dhaqatada ahi ka faa'iideystaan.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdwali Seed Cilmi oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in wasaaraddu hirgelisey 17 xarumood oo loogu talo galay in caafimaadka xoolaha lagula socdo.

Wasiir ku-xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in magaalada Garowe laga dhisayo suuq casri ah oo xoolaha lagu gado, isagoo intaas ku daray in la kordhiyey tirada dhaqaatiirka xoolaha ee ka diiwan gashan Wasaaradda.

Ugu dambayntii wuxuu ugu baaqay xoolo dhaqatada inay tagaan xarumaha caafimaadka si ay xoolahooda u daweeyaan.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku tiirsan xoolaha nool, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 ay dhoofeen xoolo aad uga badan kuwii Soomaaliya laga dhoofiyey tobankii sano ee ugu dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM